Markii ugu horreysay waxaan isku dayay inaan ka barto iskuullo iyo xitaa dugsiyaal gaar loo leeyahay, balse run ahaantii wax cad oo iga caawiya kuma helin. Laakiin markii aan go’aansaday inaan iskii u barto, oo aan naftayda u hibeeyo barashada Ingiriisiga, wax walba way is beddeleen. Maalin walba dadaal iyo tababar ayaan sameeyay, ugu dambeynna waxaan noqday qof si fcn ugu hadla Ingiriisiga.
Haddii adigana aad waligaa la dhibtooday barashada Ingiriisiga, fiidiyowgan waxaan kugu tusayaa sida aan anigu ugu guuleystay, adiguna aad ugu guuleysan karto.