WAREYSI: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka | Miizaan

Опубликовано: 10 Июль 2026
на канале: Dawan TV
45,500
1k

Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka.

Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay:

Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka
Khilaafka dastuurka iyo doorashooyinka
Xaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeed
Arrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika
Saameynta quwadaha shisheeye ee gobolka
Iyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne?

Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal hayso, isaga oo bixiyay aragtiyo ku saabsan federaalka, dowlad-dhiska, iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Martida:
• Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaa Daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax.



Time Code:

00:00 Hordhac
01:53 Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka
05:59 Wax-ka-beddelka Dastuurka
22:29 Madashu ma ka tirsan yihiin?
24:32 Doorashooyinka
30:21 Dhaqangelinta Dastuurka
32:16 Yaa mucaarad ah?
33:50 Wadahadallada hadda socda ma ku jiraan?
34:54 Xiriirka kala dhexeeya Dowladda
41:08 Puntland
52:12 Hannaanka amniga ee uu soo bandhigay xilligii uu xilka hayay
55:32 Juqraafi-siyaasadeedka Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland
01:10:31 Dhaleeceynta Trump ee Soomaalida
01:13:05 Faragelinta beesha caalamka ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto doorashooyinka
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa

#MiizaanPodcast #DawanTV #CumarCabdirashiid #Somalia #Politics #Puntland #Doorashooyinka #Dastuurka #SomaliPolitics #podcast