Khaliif Cismaan Cabdi(Sayid Khaliifa)-Geeddi Caano Leh
Erayadii Abwaan: Siciid Saalax Cabdi &
Laxankii:Kaliif Cismaan Cabdi 1986
Garhayeenka Beeshoow
Gaadiid Hayinahow
Guri Lagu Minqaadiyo
Goobtaad Ku Deelnayd
Geedihii Naqahaaa
Haddii Ay Gahayraan
Cawskii Gubnoodoo
Dabadeena Raad Go,o
Gamma, Kuuma Yaallee
Gaadiidka Soo Raro Oo
Ha Gibleeyo Socotada
Waa Geeddi Caano Leh
Guryo Samo Halagu Furo
Gaaridii Haweenkaay
Soo Geli Hoggaan Awr
Qarqarsiga Ku Gow Sii
Habka Guriga Loo Raro
Gurgur Reeryo Jilicda
Gar Ka Dhaaf Kabaallada
Dabogeliska Cayn Bay
Ku Guree Ilmaha Oo
Gibilkiyo Jarcada Saar
Gaadiidka Soo Raro Oo
Ha Gibleeyo Socotada
Waa Geeddi Caano Leh
Guryasamo Ha Lagu Furo
Guud Caddiyo Barbaartaay
Gedda Lagu Hayaansho
Goor Subax Jarmaadaa
Guura Galab Mirtii Dhexe
Ama Galab Carrowshiin
Haddaan Gaatis Loo Wadin
Waa Galan Galcoobaa
Hadduu Maalin Galana
Waa Rara Gubyoodaa
Gaadiidka Soo Raro Oo
Ha Gibleeyo Socotada
Waa Gaaddi Caano Leh
Guryo Samo Halagu Furo.