Biidku qeymo daranaa
Erayadii Cabdicasiis Daqarre
Codkii & Laxankii Maxamed Xarakow
ufeey uf. Biidku Qeymo daranaa !
Tima heer la qaybshee
Qaarba u jeediyo
Suniyahaad qorteenoo
Afkaad qalinka mariseen
Cidiyahakan qumeyda ah
Qulub dhabadka luquntiyo
Qab qab socodka laafyaha
Is qaroofin teer baas
Ufeey Uf iih
Qamuun yoonay
Ku qosolnay
Ka qamaadnay
Ka qiiroonay
Ka qumbacanay
Biidku qeymo daranaa
Ileyn qisaba waa qisee
Heedhe foolxumo la qaayibay
Qurux miyey ka dayayaan